Cumar C/rashiid oo ka hadlay xaalada Beledweyne, Talana u soo jeediyay DFS+VIDEO

Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo wareysi siiyey Idaacadda VOA-da ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha ay geysteen wabiyada Shabelle iyo Jubba ee dalka.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada iyo xaaladda daran ee ka taagan magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in xilligii uu ahaa Ra’iisul wasaaraha ay dhacday fahaada xoogan, balse aysan la mid ah tan maanta taagan oo saameyn daran ku yeelatay dad badan oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Baay.

Waxaa uu kula taliyey dowladda Soomaaliya in ay lacag Deyn ah qaadato, si loogu gurmado, deg degna loogu caawiyo dadka ay saameeyeen fataahadaha hadda ka jira deegaano hoostaga maamullada HirShabelle iyo K/ Galbeed.

Ugu dambeyntii, Ra’iisulwasaarihii Hore ee Dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa xusay inay muhiim tahay  in dhaqso looga jawaabo saameynta ka dhalatay fatahaadaha, islamarkaana aan la sugin lacagta qaaraanka ah ee soo uruuraya, si loo bad baadiyo nolosha dad badan oo halis ku jirta.