Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Xisaab xirka Miisaniyaddii 2017-kii+VIDEO

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u codeeyay xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay Cod u qaadaan  xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017 , waxaana ay u dhacday Codeynta siddaan.

128-Xildhibaan ayaa Ogolaatay

8-Xildhibaan ayaa diiday

5-Xildhibaanna waa ay ka
Aamustay sidaas ayuu ansax ku noqday

Miisaaniyaddaan ayaa noqoneysa miisaaniyaddii u horeeysay ee la ansixiyo tan iyo intii  uu talada qabtay Madaxweyne Farmaajo.