Islamabad: Dibad-baxyada ka dhanka Ra’iisulwasaaraha Pakistan oo xoogeystay

Hogaamiyaasha mucaaradka dalka Pakistan ayaa soo cusbooneesiiyay dalabkooda ah in uu is casilo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi ee Cimraan Khaan.

Dibad bax ay kasoo qayb galeen kumanaan ruux loogana soo hor jeedo dowladda Pakistan ayaa ka dhacay caasimada dalkaasi ee Islamabad.

Hor joogayaasha dibad baxayada ayaa Ra’iisul Wasaare Cimraan Khaan ayaa usoo jeedinaya eedeemo dhawr oo ah oo ay kamid tahay in dowladiisa ay ku fashilantay bixinta adeegyada asaasiga ah.

Dowladda Ra’iisul Wasaare Khan ayaa wada olole lagula dagaalamanayo musuq maasuq iyadoona baaritaano ku haysa madaxdii dalka soo martay.

Dibad baxan oo u muuqda mid cadaadis lagu saarayo xukuumada Ra’iisul Wasaare Cimraan Khaan ayaa mucaaradku sheegeen in ay sii socondoonaan.