Israel oo duqeysay Marinka Gaza

Yahuuda ayaa Marinka Qaza ku qaaday weerar duqeyn oo ay ku sheegtay in ay la beegsatay xubno ka mid ah Ururka Hamas ee reer Falstiniin.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in meesha diyaaradohooda ay duqeeyeen ay ahayd xero tababar iyo kayd hub.

Yahuuda ayaa sheegay in weerarkaan uu yimid ka dib markii shalay Koox Falastiniyiin ah weerareen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Yahuuda.

Ciidanka Yahuuda ayaa sidoo kale rasaas ku furay Kalluumeysato u dhalatay Falastiin, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xiisadda ka dhexeyso Falastiin iyo Israa’iil ayaa sare u sii kaceysay tan iyo markii Donald Trump uu ku dhawaaqay go’aankii uu Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa’iil.