Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Beledweyne

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka ag dhaw madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u kuur galaya xaaladda cakiran ee ka jirta Magaalada Beledweyne oo ay harqiyeen biyo uu ku fatahay wabiga Shabeelle ee mara qeybo ka mid ah dalka.

Wafdi heer wasiirro ah oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u gaaray Magaalada Beledweyne, sidoo kale waxaa magaaladaas ku qulqulaya gaadiid sida agabyo kala duwan iyo raashin gurmad loogu fidinayo dadka reer Beledweyne oo u baxay daafaha magaalada, iyadoo wali la soo sheegayo in ay jiraan dad ku go’doonsan qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u tagay Magaalada Beledweyne bishii April ee 2018-kii, xilligaas oo fatahaado kuwan ka yar uu Webigu Ku sameeyay Magaalada, isagoona xiligaas sheegay in Dowladda Federaalku ay wax ka qabaneyso Fatahaadaha Wabiga ee kusoo laab laabatay Beledweyne.