Mali: 53 Askari oo lagu dilay Weerar

Inta la xaqiiyay 53 askari oo u dhashay dalka Mali ayaa lagu dilay weerar ay koox hubeysan ku qaadeen saldhig ciidan oo dalkaas ku yaala.

Sida wararku sheegayaan weerarkaan oo ah kii ugu khasaaraha badnaa ayay dawladdu sheegtay inay ciidamo xoojin ah u dirtay degaanka weerarku ka dhacay oo ka tirsan gobolka la yiraahdo Menaka.

Afhayeen u hadlay dawladda Mali oo la yiraahdo Yaxye Sangaara ayaa sheegay in dhaawacyada askar badan laga soo qaaday xerada lana geeyay isbitaal ay dawladdu leedahay waxaana uu ku tilmaamay weerar argagixiso.

Willi cidi ma sheegan mas’uuliyadda weerarkaas hase yeeshee dalka Mali dhawr weerar oo kan la mid ah ayaa ka dhacay dhawrkii sano ee lasoo dhaafay.