Mareykanka oo baaritaan ku sameynaya Mulkiilaha Shirkadda TikTok

Dowladda Mareykanka ayaa bilawday in baaritaan ay ku sameeso milkiilaha shirkadda laga leeyahay dalka Shiinaha ee TIkTok.

Baaritaanka lagu hayo shirkadda TikTok ayaa lasheegay in uu laxariiro saameenta ay ku yeelan karto amniga qaranka Mareykanka.

Sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters masuuliyiinta Mareykanka ayaa dib eegi doona heshiisyadii horay loola galay shirkadan, iyo adeegyadii ay bixisay.

Bartan oo loogu baahiyo muuqaalada gaagaan ee Musica ayaa lasheegay in gudaha Mareykanka dadka adeegsadaa boqolkiiba 60% ay yihiin dhalin yaro da’doodu u dhaxeeso 16 illaa iyo 24 sano jir.

Inkastoo war kasoo baxay shirkadda lagu beeniyay eedeemaha Mareykanka hadda arintan ayaa kusoo aadeesa xilli uu sii xoogeesanyo dagaalka dhanka ganacsiga ah ee u dhaxeeya wadamada ugu quwada dhaqaalaha dunida ee Shiinaha iyo Mareykanka.