Mashruuca Biyoole oo laga daah-furay Degaanada Puntland+VIDEO

Wasaaradda Qorshaynta, hormarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka caalamiga ah ee Puntland ayaa magaaladda Garoowe ka daah furtay mashruuca Biyoole oo ah mashruuc ka shaqayn doona dhinacyada Biyaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga, waxaana mashruucaan Puntland ka caawinaya Bank adduunka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland C/qafaar Cilmi Xaange, oo daah-furay Mashuuracan “Biyoole”, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Mashuuracan oo lagu fulinayo Guud ahaan Degaanada Puntland, isagoona mahad-celin u jeediyay Bangiga Adduunka.