Somaliland oo ka hadashay Geerida Taliyihii Ciidanka Booliska+VIDEO

Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore tacsi u diray ehallada marxuumka, Booliska iyo dhammaan dadweynaha reer Somaliland.

Sidoo kale, Wasiir Kaahin ayaa sheegay in taliye Fadal uu ahaa mas’uul xilkas ah oo wax badan u soo qabtay Somaliland, islamarkaana aysan iloobi doonin dadaalkiisii iyo sida uu uga shaqeeyey horumarka iyo nabadeynta deegaanada maamulkaasi.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu wadaa in saaka aas Qaran loogu sameeyey gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka gooni isu taaga ee Somaliland.Valueimpression Placeholder

Fadal oo xilka taliyaha Booliska Somaliland loo magacaabay 2012-kii ayaa bedalay taliyhii ka horreeyey ee Maxamed Saqadhi Dubad oo isna geeryooday, sidoo kale wuxuu taliyey Fadal soo noqday taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa iyo hogaanka Hawlgelinta ciidanka Booliska oo uu hayey in muddo ah.