Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday Heshiis ku saabsan Isticmaalka Dayax-gacmeedka

Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa waxa ay kulamo gaar ah la yeesheen Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti.

Kulamadan ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha isgaarsiinta.

Kulammada labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo loogu talo galay in 5ta sano ee soo socota lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka.

Dhinaca kale waxa ay labada wasaaradood wada saxiixdeen heshiis gaar ah oo ku saabsan isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, munaasabada saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirkeena dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali.

“Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “lama gaari karo hiigsiga siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaariinta iyo Tiknolojiyadda ee ay dhowaan diyaarisey wasaaradda haddii aan la helin dalal saaxiibo ah oo naga caawiya dhinaca khibradda, farsamada iyo soo dhoofinta tiknolojiyadda casriga ah’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.