Agaasimayaashii SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA oo xilkii laga qaaday

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, ayaa xilalka ka qaaday Agaasimayaashii SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA.

Wasiir Maareeye ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Radio Muqdisho Abdi Jeite, waxaana xilka Agaasimaha Radio Muqdisho loo magacaabay Yahye Ali Faarax.

Sidoo kale Agaasimihii Telefishinka SNTV ayaa waxaa laga qaaday Liban Abdi Ali waxaana loo magacaabay Faarax Salaad Dharaar.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa loo magacaabay Ali Abdukadir Ali (Maykal).

Is bedeladan cusub ayaa ahaa kuwo lama filaan ah, iyadoo la faray Agaasimayaasha cusub ee inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilalka ula wareegaan.