Culumada Puntland Oo ilaa iyo hada ururiyay lacag ku dhow Nus Milyan Dolar



Culimada Puntland,ayaa todobadkaan waxay ku hawlanaayeen gurmad dhaqaale loogu ururinayo dadka fataahaada webigu barakiciyey ee ku nool magaalada Beledweyne,

Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah Culimada Puntland,ayaa sheegay in ay hada culimadu gacanta ku hayso lacag ku dhaw Sadex boqol iyo kunton kun oo Doolar.

Guud ahaan Puntland waxaa ka socda gurmad xoog leh oo loogu ururinayo shacabka reer Hiiraan ee masiibadu ku dhacday Lacag, Dhar, Cunto,Weelka wax lagu cuno iyo Gogolaha lagu seexdo,iyadoo maanta ay ka anba baxeen Garowe Gawaari siday gurmadkii ugu horeeyay ee ka dhaqaaqaqa Puntland.