Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo war kasoo saaray Xaalada Dhuusamareeb

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu baaq ka soo saaray xaalada Galmudug oo haatan mareysa meel xasaasi ah.

Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in dadka Reer Galmudug ay kasoo daaleen colaad iyo isfaham la’aan ka dhex-jirta , isla markaana xilligaan aysan u baahneyn colaad.

“Waxaan shaki ku jirin in colaad iyo is faham la,aan ay ka soo daaleen deegaanada Galmudug oo aysan u baahneyn colaad iyo dagaalo kale oo dhiig ku daato,waxaana dadka reer Galmudug ay ka reebeen asaagooda dowlad gobaleedyada kale ayuu yiri”C/Kariin Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay nasiib-darro tahay in iyada oo lagu guda jiro dhismaha Galmudug colaadeed ay halkaas ka soo if baxaan kana aloosmaan,isaga oo ka soo saaray baaq ka kooban Saddex qodob,kuwaas oo kale ah.

  1. In labada dhinac ay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, waxii is faham la,aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal.
  2. Dowladda waxaan si gaar ah ugu baaqayaa inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna, tixgalisana dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas.

3 . Ururka Ahlu sunna waxaan ugu baaqayaa inaysan dib u cunin halgankoodii iyo xushmadii ay bulshada Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba u hayeen, ayna garwaaqsadaan in ay lagama maarmaan tahay inay ku milmaan nidaamka dowladnimo, oo aysan marnaba suurta gal aheyn is feer socodka nidaam dowladeed iyo urur hubeysan, waayo waa waxaan isla jaan qaadi karin.