Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo lala beegsaday duqeyn culus.

Wararka ka imaanaya Magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay ay ka dhacday duqeyn lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegaya in Bartilmaameedka duqeyntaas ay aheyd xarun ay ku kulan sanaayeen saraakiil ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo iskaga kala yimid goobaha ay dalka ka Maamulaan.

Nin lagu magacaabo Sheikh Xuseen Filow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa sida la sheegay Jubbooyinka ayuu dhaawac ka soo gaaray duqeynta, sida ay xaqiijiyeen saraakiishu.

Sidoo kale, Meel duleedka ka ah Jilib gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Xaramka, waxaa la sheegay in isla xalay ay diyaaraduhu duqeyn ka geysteen, halkaas oo fariisimo ciidan ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Kolonyo gaadiid ah ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday duqeyntaas, waxayna saraakiishu sheegeen in Aadan Geedi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa arimaha gaashaandhigga lagu dilay duqeynta ka dhacday deegaanka Xaramka.

Lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeyntaas, sidoo kale ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha Sirdoonka Soomaaliya oo xaqiijisay duqeymaha la sheegay in ay xalay ka dhaceen qeybo ka mid ah Gobalka Jubbada Dhexe.