Sirdoonka Kenya oo soo bandhigay goobaha Al-Shabaab ku sameeyaan Qaraxyada

Sirdoonka dowladda Kenya ayaa sheegay in ay soo ogaadeen goobaha lagu sameeyo miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa oo ay dagaalamyaasha Al-Shabaab u adeegsadaan weerarada ay ka geystaan gudaha Kenya.

Warkan oo lagu daabacay wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Taliyaha booliska Kenya  Hillary Mutyambai uu u sheegay Wargeyska in miinooyinka Al-Shabaab oo ay u adeegsadaan weerarada ka dhanka Kenya lagu sameeyo degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe, isagoo hadalkiisa sii raaciyay in hubkaas loogu qeybiyo dagaalamaayasha fulinaya weerarka deegaano uu kamid yahay  deegaan lagu magacaabo Laanqurac.

Al-Shabaab ayaa dhawr jeer oo hore weeraro ka gaystay gudaha dalka Kenya, kuwaas oo labo kamid ah ay ka dhaceen magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Weerarkii ugu danbeeyay oo Al-Shabaab ay ka geestaan gudaha dalka Kenya ayaa ahaa kii maalmo kahor ay ku qaadeen saldhig boolis oo ku yaalla degmada Wajeer ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya.