Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Dhuusamareeb iyo Ahlu-sunna oo isaga baxday

Xooggaga Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ka baxay magaalada Dhuusamareeb, waxaana la wareegay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamo isugu jira Milateri iyo Nabad-suggid ayaa gudaha u galay magaalada Dhuusamareeb, waxaana goob joogayaal ay sheegeen iney la wareegeen xarunta degmada.

Xooggaga Ahlu Sunna ayaa la sheegay iney isugu tageen xero Inji, halkaasoo ay dagan yihiin Madaxda sare ee Ahlu Subna iyo Madaxa Xukumada Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ula soo wareegay Matabaan iyo Guriceel.