Wasiiro katirsan Puntland oo gaaray Degmada Xingalool+Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed dhabancad iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira wasiiro ka tirsan Dowladda, ayaa maanta lagu soo dhoweeyay degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.

Wafdiga uu hogaaminayo wasiir Dhabancad waxaa banaanka hore ee degmada xingalool kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah , Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Xingalool.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane, Maxamed Fhabancad oo fagaare kula hadlay Dadwaynaha, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta,

Ugu danbeyntii Wasiir Dhabancad ayaa ku dhiirigeliyey dadka degmada Xingalool ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee Puntland.