Baarlamaanka Jubbaland oo baaq kasoo saaray Fatahaadaha Wabiga Jubba+Sawirro

Gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulan ka yeeshay Fatahaadaha ka dhacay qayba ka mid ah deegaanada ay maraan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle .

Kulankaan ay maanta yeesheen Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa ahaa Kalfadhigii 1-aad fadhigiisii 27-aad,waxaa joobgood ahaa 47 xildhibaan waxaana shir gudoominayey guddoomiye ku-xeenka Labaad ee Baarlamaanka Jubbaland Aadan Khaliif Yuusuf.

Kullanku intuu socday ayaa looga dooday saamaynta ay yeesheen fatahaadaha ka dhacay qaar kamid ah gobalada dalka iyo sida looga hortagi karo fataahadda mar walba soo laalaabata.

Waxa ay ku baaqeen in loo gurmado dadkii ay saameeyeen fatahaaduhu iyagoona u tacsiyeeyay dhammaan intii ku dhimatay musiibadaas.