Baydhabo: Lafta-gareen oo xabsiga dhigay Isimo iyo Siyaasiyiin diidan Hoggaankiisa+Akhriso

War-saxaadeed kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa lagu cambaareeyay xad gudubyo uu sheegay xisbigu in si isdaba joog ah loogu hayo Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka koonfur Galbeed kaasoo ka socdo Magaalada Baydhabo.

Xisbiga ayaa sheegay in Maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen si cabsi gelin ku hayaan Shacabka reer Koonfur Galbeed isla markaasna taasl oo marayo xad gudubyo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha iyo  Xuriyatul Qowlka.

Ugu dambeyntii, Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa walaac ka muujiyay habdhaqanka qalafsan ee lagula kacaayo bulsha weynta koonfur Galbeed iyo xariga iyo xukunka cadaalada ka fog ee lala beegsanayo dadka fakar ahaan kaduwan maamulka Lafta gareen.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa kusoo aadayo xilli Magaalada Baydhabo lagu xiray ku dhawaad 60 qof oo aragti ahaan diidan Hoggaanka Madaxweyne Lafta-gareen, kuwaas oo ay kamid yihiin;

1= Maalaq Kaskay.

2=Liiban Ibrahim Amin

3= Abdiqaadir Bare Macalin.

4= Hassan Macalin Isaaq.