Burcad-badeed qafaalatay shaqaale saarnaa Markab laga lee yahay Norway

Koox burcad badeed ah ayaa qafaashay 9 ruux oo saarnaa markab wata calanka dalka Norway meel u dhaw xeebaha dalka Benin ee galbeedka qaaradda Afrika ku yaala.

Mas’uuliyiin u hadlay shirkadda markabkaan iska leh oo la yiraahdo JJ Ugland ayaa sheegay in koox hubeysnaa oo watay doonyo dheereeya ay weerareen markabkooda oo ku dhawaa dekeda magaalada Kotunuu ee dalka Benin.

Wararku waxay sheegayaan in kooxda burcad badeeda ah ay la degeen 9 qof oo ahaa shaqaaalihii markabka

Markabka shaqaalaha laga qafaashay oo magaciisa la yiraahdo MV Bonita ayaa siday shixnad walxo beeraha lagu bacrimiyo ah.

Shirkadda markabka iska leh willi ma ay shaacin wadamada ay u dhasheen shaqaalahooda la afduubtay.