Dibad-baxyo dib uga curtay Dalka Lubnaan kaddib Is-casilaadii Al-Xariiri

Dibadbaxyo ballaaran ayaa markale ka curtay dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Lubnan. Mudaharaadyada oo u muuqday iney yara istaageen kaddib marki uu Ra’iisul Wasaarihii dalkaas Sacad xariiri uu ku dhawaaqay inuu is casilayo.

Dadka mudaharaadaya waxay dowladda ku eedeynayaan iney sidii la rabay uga jawaabin shacabka waxyaabaha ay ka cabanayeen.

Banaan-baxayaasha ayaa dalbanayo inay badi is casilaan Masuuliyiinta kale ee Dowladda Lana soo dhiso Dowlad Cusub oo wax ka qabata baahiyaha Dadka Reer ee ay ugu horeeyso Dhaqaale xumada.

Ra’iisulwasaarihii Dalka Lubnaan Sacad Al-xariiri, ayaa dhowaan is-casilay, kaddib markii Mudaharadaayushu ayaa ka biyo diideen is-bedel uu ku sameeyay dhaqaalaha ay qaadanayeen Golihiisa Wasiirada iyo Canshuuro ay soo rogtay Dowladda oo Guud ahaanba uu laalay.