Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis kala saxiixday

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe)  iyo wasiiru Dowlaha difaaca dalka Uganda Charles Okello Engola ayaa todobaadkaan yeeshay kulan ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.

Shabakada Wararka  ee dalka Uganda ayaa qortay in labada mas’uul ay isla qaateen inay labada dal wada saxiixdaan heshiis isfaham oo dhabaha u xaari doona in Ciidanka Uganda ay tababar siiyaan Ciidanka Soomaaliya sida Millateriga Mareykanka iyo kuwa Turkiga u tababaraan Ciidanka Soomaaliya.

Kuxigeenka Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa sheegay in labada mas’uul ay go’aamiyeen baahida loo qabo inay kala saxiixdaan heshiis ku saabsan in Ciidanka Uganda ay Ciidanka Soomaaliya siiyaan taageero dheeraad ah oo la xiriirta dhinaca tababarada.

Sidoo kale labada Wasiir ayaa waxaa ay kala saxiixdeen heshiis dheeraad ah oo Ciidanka Uganda siinaya inay awood dheeraad ah siiyaan Ciidamada Soomaaliya si ay u qaadaan mas’uuliyada Ammaanka dalka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya u jooga Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM,waxaana ay horay dalkeeda ugu soo tababartay Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.