Golaha Aqalka Sare oo maanta kulan yeeshay+VIDEO

Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 10aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta iyo Dhageeysiga Warbixinta Guddiga gaarka ah ee arrimaha fatahaadaha.

Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa ay akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Waasarada Warfaafinta Dhaqanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyeedka wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta, Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka, Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.