Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo loogu Hanjabay Xil ka qaadis & Khilaaf xooggan oo ka taagan..!!+XOG

Waxaa hakad ku jira weli Qabashada Ciyaarta kama dambeysta ah ee Tartanka Kubadda cagta ee Degmooyinka Gobalka Banaadir, taas oo baaqatay 24-kii bishii Hore kaddib markii korontada laga jaray Garoonka Eng. Yariisow oo ay kuwada sugnaayeen kumanaan shacab ah iyo kooxaha degmooyinka Dharkeynley iyo Waabari oo ciyaartaasi ku balansanaa.

Wararka ayaa sheegaya in qabashada Ciyaartan ay u xayiran tahay khilaaf culus oo u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu aad u sii xoogeestay Khilaafka Wasiir Khadiija iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, waxaana Guddoomiye Cumar Filish loogu hanjabay in xilka laga qaadi doono, hadii uusan la shaqeyn Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, sida uu sheegay mid kamid Shaqaalaha Wasiirada.

“Wasiir Khadiija waxay madaxda qaranka u sheegtay in aysan qabsoomi karin ciyaarta degmooyinka ilaa laga heshiiyo gobalkana ogolaado in uu la shaqeeyo wasaaradda waana laga aqbalay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish, oo muddo kooban xilka hayay ayaa u muuqda haatan inuu wajahayo jahwareer fara-gelin xoog leh, taas oo curyaamiyay shaqadii uu qaban lahaa.