Hoggaanka Ahlu-sunna oo ku shirsan Dhuusa-mareeb

Hoggaanka Kooxda Ahlu-sunna Waljamaac ayaa kulan deg deg ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galaduud, kaas diirada lagu saarayo xaaladihii ugu dambeeyey ee maamulka Galmudug.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana uu albaabada u xiran yahay ayaa ka socda xarunta Inji halkaas oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadlayo arrimo la xariira guddiga farsamada ee ay xalay magacawday dowladda Soomaaliya.

Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa in aysan ku qanacsaneyn guddigaas oo ka kooban 13 xubnood, kana shaqeyn doono sidii loo heli lahaa Galmudug oo mid ah.

Kulanka ayaa lagu wadaa in marka uu soo gaba-gaboobo laga soo saaro go’aanno culus oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ka socda deegaanada maamulka Galmudug.