Jilib: Madixii Isku xirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida oo lagu dilay Duqeyn

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka fuliyeen saldhigyo Kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Buula-fulay ee katirsan Gobalka Baay.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in labo gantaal lagu dhuftay xarunta ay ku sugnaayeen xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab, waxaana intaas kaddib la maqlay dhawaqa rasaas la sheegay inay is waydaarsadeen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Saraakiil iyo Maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab, wallow aan la ogaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta.

Dhanka kale, Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe ayaa waxaa ka dhacay duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan Kooxda Al-Shabaab.

Sarkaalka duqeynta lala beegsaday ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Ibraahim Abuu Xamza waxaana uu ahaa Madixii isku xirka Al-qaacida iyo Al-Shabaab.