Maxaa ka jira in Waftigii Aadan Barre ee yimid Kismaayo ay ogaleyd DFS ?

Wasiirka warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyay in Dowlada Soomaaliya ay ogeyd in wafdigii Kenya ee ka qeyb-galay caleemo-saarkii Axmed Madoobe ee Kismaayo.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo la hadlay BBC Somali ayaa sheegay in wafdigii tagay Kismaayo ay halkaas ku tageen “ogolaanshaha dowladda Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa yiri: “Warka uu sheegay agaasimaha guud meelo badan ayuu taabanayaa, laakiin qodobka ah diyaarad iyo madaxda Kenya ka tirsan kuma xadgudbin Soomaaliya waa war aan waxba ka jirin”.

“Waa la ogyahay in dowladda Soomaaliya ay warqad soo saartay oo ay tiri diyaarad kasta oo Kenya ka imaaneysa ceddii doonta ha saarnaatee, waa in ay soo martaa Muqdisho, taas ayay wafdiga iyo diyaaradda tagtay Kismaayo ay jebiyeen,” ayuu yiri wasiirka.