Mudug: Xoolo badan oo le’day Daadad kusoo rogmaday Degmada Towfiiq+Sawirro

Roobab xooggan oo khasaare gaystay ayaa ka da’ay Degmada Towfiiq ee Gobalka Mudug iyo degaano hoostaga, waxaana Daadad soo rogmaday ay qaadeen xoolo badan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Roobkani uu ahaa kii ugu xooga badnaa ee degaanadaasi ka da,a 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo Kale, Dadka Degaanka ayaa sheegay in Roobkan oo Da,ayay saacadihii lasoo uu waxyeelo u gestay Dad reer guuraa ah oo ay kala tageen xoolihii.

Shacabka degan Degmada Tawfiiq oo gurmad u fidiyey dadka xoola dhaqatada ah ee roobabku saameeyeen ayaa u geeyey cuntooyin iyo Goglo ay Dhaxanta isaga celiyaan, iyagoona ugu baaqay Dowladda iyo Shacabka Puntland in gurmad degdega la,la soo gaaro Dadka ay daadadku waxyeeleeyeen.