Puntland oo beenisay inay sii deynayso Maxaabiis u xiran Burcad-badeednimo+VIDEO

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud, ayaa beeniyay in la sii daynayo ama loo badalayo xabsiyo kale maxaabiista ku xukuman Burcad-badeednimada ee ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe.

Dhinaca kale, Wasiir Xaamud ayaa ka warbixiyay shir uu Garoowe kula qaatay madax ka socotay Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Daroogada iyo Danbiyada (UNODC) iyo qaar kamid ah wadamada Puntland ka caawiya arrimaha xabsiyada.