Turkiga: Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga taageero Deganaanshaha Siyaasadda

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in xilligaan Soomaaliya u baahan tahay taageero ballaaran si ay u hesho xaalad deganaansho ah oo Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladoodaba ay ku gaaraan guulweyn.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ka sheegay Shirka Heerka Wasiir ee wadamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka in Soomaaliya u baahan tahay taageerada Turkiga iyo Duniada kale ee Islaamka si taageero looga geysto deganaanshaha Siyaasada,dib u dhiska Ciidamada Ammaanka lana abuuro waji deganaansho si loo gaaro horumar dhaqaale.

Waxa uu sheegay in Dowladda Turkiga ay kaalin mug leh ka qaadan doonto wada-hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo sanadihii u dambeeyey ahaa kuwo hakad ku jiray oo aan qabsoomin.