Boosaaso: Doontii ugu horeysay oo sida xoolo oo u shiraacatay Imaaraadka Carabta+VIDEO

Dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda waxaa caawa ka baxday Doontii ugu horaysay oo sida xoolo una sii jeeda Dalka Imaaraadka Carabta.

Doontan ka furatay Dekedda Boosaaso ayaa waxaa saaran Xoolo dhan 3,990 neef, iyadoona noqonaysa Doontii ugu horaysay ee ka baxda Dekadda Boosaaso Tan iyo markii lagu soo Rogay Xayiradda xoolaha nool ee Soomaaliya.