Boqor Cabdirashiid oo la kulmay Congresswoman Ilhan Omar+Sawirro

Boqor Cabdirashiid Cumar oo kamid Isimada Puntland ayaa Booqday Xafiiska Congresswoman Ilhan Omar oo ah Xubin laga soo doorto Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka.

Booqrka Cabdirashiid ayaa Xildhibaanad Ilhan Cumar uga Waramay Safarkiisa Woqooyiga Maraykanka uu ku soo gaadhay iyo weliba xaalada Guud ee Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

Sidoo kale, Xildhibaanad Ilhan Cumar ayaa uga mahad-celisay Boqorka booqashadiisa, iyadoona sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay doorka Isimadu uga jiraan Nabadda, Xasiloonida iyo Hormarka ka socda Degaanada Puntland, oo ay asal ahaan kasoo jeedo Xildhibaanadu.

Boqor Cabdirashiid Cumar oo ka qeyb-galay Shirka Hogaamiyaasha dhaqanka ee Magaalada New York lagu soo afmeeray Isbuucii la soo dhaafay, waxaana uu ahaa Isimkii ugu horeeyay ee Soomaali ah laguna casuumo shirkan.