Burkina Faso: Ciidanka oo baadi goobaya koox xalay dishay Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Dalkaas

Dawlada Burkina Faso ayaa ciidamadii ugu badnaa geystay gobolka Saaxil oo koox hubeysan ay xalay ku dileen xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dalkaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ciidamadu bilaabeen baarayaan cidda ka dambeysay dilka xildhibaanka oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalada laga soo doorto Dijobo iyo caasimada dalkaas ee Woogaduuga.

Ciidamada ayaa baaraya gaadiidka wadada maraya waxaana ay su’aalo weydiinayaan dadka degan magaalada weerarku ka dhacay.

Xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cumaaru Diko ayaa u socday caasimada dalkaas waxaana goob joogayaal sheegeen in kooxdii dilka geysatay ay baxsatay markii ay xildhibaanka toogteen.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka xildhibaanka baarlamaanka Burkina Faso lagu dilay oo ah kii ugu horeeyay ee dalkaas ka dhaca.