Iran oo ku dhawaaqday inay kordhineyso Awooda Warshadaha Nukliyerka

Madaxweynaha Dalka Iran Xasan Ruuxaani ayaa maanta daah furay mashruuc hor leh oo lagu hormarinayo warshadahooda Nukliyeerka.

Madaxweyne Ruuxaani waxaa uu sheegay inay rakibayaan in ka badan kun warshadood oo dheeraad ah si ay u tayeeyaan warshadaha Nukliyeerka dalkiisa waxaana uu xusay in tani ay qeyb ka tahay qorshahooda ay ku doonayaan inay hormar ka sameeyaan awoodooda Nukliyeer.

Gaaska Yuuraniyaamka ayuu Madaxweynuhu sheegay inay kordhin ku sameeyeen si wax soo saar badan loo soo saaro.

Khudbad uu Madaxweynaha Iran telefishinka ka jeediyay ayuu ku sheegay in xukuumadiisu ixtiraamayso heshiiskii 2015, hase ahaatee ay qaateen go’aanka ah inay warshadahooda hormariyaan.

Madaxa hay’adda atoomikada dalka Iran Cali Akbar Saalixi ayaa asna sheegay in nooca qalab ay hadda adeegsanayaan uu 10 jeer ka sareeyo noocii hore.

Dawladaha ku jira ururka midawga Yurub ayaa xukuumadda Tehran weydiistay inay miiska wada hadalka kusoo laabato si heshiis looga gaaro muranka jira

Maraykanka ayaa Dawladda Iran uga baxay heshiiskii Nukliyeerka sanadkii hore waxaana uu saaray cuna qabatayn dhaqaale.