Maxay tahay sababta ay uga baaqdeen Madaxweynayaashii Hore Beledweyne ?

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay ka baaqdeen Safarkii Maanta ay ku tegi lahaayeen Magaalada Baladweyne,si ay gurmad u gaarsiiyaan dadkii uu saameeyey fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan.

Ujeedada ay uga baaqsadeen safarkooda Magaalada Baladweyne ayaa waxaa kamid ah Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas oo u xirmay roob in ka badan Sideed saacadood ka da’ayay Magaada Baladweyne iyo deegaannada hoostaga.

Sanoter Ilyaas Cali Xasan oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare iyo Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay inay aaduga xun yihiin in uu dub u dhac ku yimaado safarkii ay Maanta ku tegi lahaayeen Baladweyne.

“Waan ka xunnahay Safarkeenii maanta lagu tagi lahaa Beledweyne iyo Berdaale oo dib udhac kuyimid kadib markii xaley ilaa saaka ay roobab xoogan kadaen taas oo sababtey in Airport ka Beledweyne diyaaraduhu ay kutagi karin” ayuu yiri Sanoter Ilyaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyana lagu waday in maanta ay diyaarado gargaar sida u dirto Magaalooyinka Baladweyne iyo Bardaale, kuwaas oo dib u dhacay roobabka da,ay aawadood.