QM oo kusoo biirtay gurmad Dadka ay saameeyeen Fatahaaduhu

Qaramada Midoobey ayaa ku biirtay dadaallada caalamiga ah ee loogu gargaarayo dadka ay fatahaadu ku dhufatay ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Barnaamijka Cuntada Adduunka WFP Waaxda gargaarka ee Qarramada Midoobay iyo la-hawlgalayaal kale oo ay fududeeyeen Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa waxaa ay bilaabeen in ay gurmad kala duwan gaarsiiyaan qoysaska ay saameeyeen daadadku, iyo fatahaadaha Wabiyada.