Syria: Ciidanka Turkiga oo gacanta ku dhigay Haweeney la dhalatay Al Baqdaadi

Haweeney la dhalatay hoggamiyihii hore ee ururka la baxay Khilafada Islaamka, Abu Bakar Al Baqdaadi ayaa lagu qabtay howlgal laga fuliyay Waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen sarakiisha Turkiga.

Haweeneyda oo 65 sano jir ah, waxaa lagu magacaabaa Rasmiya Awad, waxaana lagu qabtay holwgal ciidan oo isniintii laga fuliyay meel ku dhow magaalada Azaz.

Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen in xariggan uu fa’iido u noqon karo in la helo sirta qiimaha leh ee ururka IS.

Baqdaadi ayaa is qarxiyay xilli, bishii la soo dhaafay, ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka howlgal ku galeen guri uu degganaa oo ku yaalay Waqooyi-Galbeed ee Suuriya.

Geeridiisa waxaa guulweyn ku tilmaamay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, balse dadka hadalkiisa ka soo horjeeda waxay ku doodayaan in ururka IS uu weli yahay halis amni oo ka tagan Suuriya iyo daafha caalamka.

Mid ka mid ah saraakiisha Turkiga wuxuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xarigga Baqdaadi walaashii ka weyn uu “gacan ka geysan karo in la ogaado shaqada gudaha ee ururka la baxay Khilaafada Islaamka”.

Wax badan lagama garanayo haweeneydan la dhalatay Baqdaadi, BBC-na ma xaqiijin weli aqoonsiga qofka la qabtay.

Baqdaadi waxaa la dhalatay shan nin iyo dhowr gabdhood, mana cadda ay dhammaan ay weli nool yihiin, sida uu ku warramay wargeyska The New York Times.