Taliyaha AFRICOM oo yimid Muqdisho, lana kulmay Madaxweyne Farmaajo

Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Taliska Afrika Jeneraal Stephen Townsend ayaa maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Taliyaha oo uu weheliyo arrima-fuliyaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Brian NĂ©ubert, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Taliska Maraykanka ee Afrika.

Booqashada Jeneraal Townsend ee Soomaaliya ayaa ah tiisii labaad tan iyo intii uu xilka qabtay bishii Julaay. Waxaana intii uu Soomaaliya joogay uu la kulmay madaxda Soomaaliya iyo ciidamada Maraykanka, isagoo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.