Wararkii ugu dambeeyay ee duqeyn ka dhacday Gobalka Mudug

Duqeymo culus oo lala beegsaday saldhigyo ay lee yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay Degaano katirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Duqeymahaan oo ay fuliyeen Diyaarado aan la garaneyn heybtooda ayaa si gaar ah uga dhacay Deegaan lagu magacaabo Deeqlo oo hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana dad ku sugan Koonfurta Mudug ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa duqeymaha.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta diyaaradaha ay ka geysteen Degaanka Deeqlo hoostaga degmada Xarardheere oo ay ku xoogan yihiin Ururka Al-Shabaab, iyada oo aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Duqeynta ka dhacday Gobolka Mudug ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan diyaarado dagaal ay duqeymo ka geysteen tuulada Jiracle oo dhaw degaanka Caad oo ku yaala Koonfurta Gobalka Mudug.