Wasiiro uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Deni oo la dhaariyay+VIDEO

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waraafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdifataax Nuur Ashkir iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cabdicasiis Maxamed Macallin ayaa maanta lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Wasiirada, waxaana dhaariyey xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Dhaarinta Wasiiru-dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka.

Madaxweyne Deni ayaa kula dar-daarmay Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, Isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey inay ka feejignaadaan waxkasta oo hoos u dhac ku keenaya shaqadooda, taas oo ay maanta ku dhaarteen magaca Alle inay shacabkooda ugu shaqeeyaan si daacad ah oo danta, dalka iyo diintu ku jirto.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Wasiirada cusub in uu ku asturo shaqadooda, uuna ka yeelo kuwo si daacad ah, sinaan iyo cadaalad ah uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday.