Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ku wajahan Beledweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta ku wajahan Wafdi uu hoggaaminayo  Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran si ay gurmad u gaarsiiyaan dadka ay fatahaadaha saameeyeen.

Kulan deg deg ah oo ay xalay yeesheen madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu magacaabay guddiga Gurmadka Fatahaadaha,waxaana Maanta Baladweyne ay geyn doonaan gurmad ay ugu talo galeen dadka ka barakacay fatahaadaha.

Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaamin doona wafdiga, waxaana ka qayb ah madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu kujiro Madaxweyne Xassan Sheekh Mohamud.

Magaalada Baladweyne iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa fatahaad xoogan ka sameeyey Wabiga Shabeelle ee mara Gobolkaas,waxaana badi dadka ay u barakaceen deegaanka Ceel-Jaalle, iyada oo dadkaasi gurmadyo kala duwan la gaarsiinayo.