Yaa lagu wareejiyay Qandaraaska Logistics Ciidanka PMPF-ta Puntland ?+Warbixin

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku guuleystay inuu meesha ka saaro Shirkadda PDG ee gacanta ku heysay Qandaraaska Logistics ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF), oo ay taageero dhaqaale iyo Tababaro ay siiso Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Talaabada looga  qaaday Qandaraaska Logistics Ciidanka PMPF Shirkadda PDG, ayaa ka dambeysay kaddib khilaaf soo kala dhex-galay Shirkadda iyo Saraakiisha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee gacanta ku haya Ciidanka, kuwaas oo PDG ku eedeeyay Musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.

Sidoo kale, Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa wacad ku maray inay joojinayaan taageerada Ciidanka Badda Puntland, hadii aan meesha laga saarin Shirkadda PDG, taas oo soo dadajisay inuu si deg deg u tago Magaalada Boosaaso Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, waxaana uu ku fashilmay qorshe uu doonayay inuu isugu soo dhaweeyo Labada dhinac.

Madaxweyne Deni ayaa kulamo badan kaddib go’aansaday in meesha laga saaro Shirkadda PDG, loona wareejiyo qandaraaska Shirkad lagu magacaabo Krone Logistics oo ay lee yihiin Ganacsato Reer Puntland ah oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Deni, kuwaas oo uu saacadaha soo aadan u saxiixi doono.

Go,aanka Madaxweyne Deni ayaa ka careysiiyay Kooxda ku midowday Shirkadda PDG oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Ganacsato u badan hal beel, kuwaas abaabulay maleeshiyo la beel ah oo haatan ku sugan duleedka Boosaaso, qorsheynayana inay abuuraan qalalaase.

Dhanka kale, Siciid Deni ayaa la xariiray saacadihii lasoo dhaafay waxgaradka Beesha Cali Saleebaan, kuwaas oo uu kala hadlay inay ka kexeeyaan goobaha ay isku aruursanayaan, kana hor-tagaan qorshaha ay soo abaabuleen danleyda ee loo adeegsanayo dhalinyarada Degaanka, hadii taas ay suuroobi weydana ay Dowladdu qaadi doonto talaabo aan la mahdin doonin.

Si kasta ha ahaatee, Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wajaheysay xiisado Siyaasadeed iyo dhaliilo uga imaanayay Gobalka Bari, taas oo lagu micneeyay inay dabada ka riixayeen Kooxda ku midowday Shirkadda PDG oo uu kamid yahay Senator Maxamuud Mashruuc.