Baarlamaanka Puntland oo fasax kooban la galiyay xilli uu Mooshin ka socdo Guddoomiyaha+VIDEO

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), ayaa maanta oo Arbaco ah fasax saddex maalmood ah u diray xildhibaannada golaha wakiilada Puntland.

Guddoomiye Dhoobo-daareed ayaa ku wargeliyay mudanayaasha, in ay fasax yihiin laga bilaabo Khamiista berriya ilaa maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda, wakhtigaasi oo dib la isugu soo laaban doono, si ay u sii socdaan hawlaha Baarlamanka.

Golaha ayaa saaka magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo soo uruurin doona nuxurka warbixinno kala duwan oo maalmihii la soo dhaafay laga dhegaystay guddi-hoosaadyada Baarlamanka.
Xubnaha cusub ee la magaaacabay, ayaa Isniinta todobaadka soo socda la dhegaysan doonaa xog-uruurinta ay ka sameeyeen warbixinihii guddi-hoosaadyada golaha wakiilada.

Si kastaba ha ahaatee, Fasaxa Guddoomiye Dhoobo-daareed uu u diray Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa imaanaya xilli uu socdo mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha, kaas oo xilka looga qaadayo ayna saxiixeen 31 Xildhibaan, lana filayay in sabtida soo socota loo gudbiyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa.