Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dhowaan bilaabayso bixinya Shatiyadda Shidaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bisha soo socota ee December ee dhamaadka sanadkan ku dhawaaqi doonta bixinta shatigii u horeeyay ee shidaalka Soomaaliya ee laga sahmiyay Xeebaha dalka.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Soomaaliya ay dooneyso inays oo jiidato shirkadaha maalgashiga ee caalamka

Isagoo ka qeyb galayay shir ka dhacay magaalada Capa Town ee dalka Koofur Afrika ayuu sheegay in ay soo bandhigi doonaan illaa 15 xirmooyin shidaalka ah, isagoo xusay in shirkado badan ay ku tartami doonaan sanadka 2020.

Waxaa uu sheegay in sahankii dhowaan la sameeyay xeebaha dalka ay 15-ka xirmo ee ay soo bandhigayaan ku jiraan shidaal dhan 30 bilyan oo Fuusto.

Mr C/rashiid ayaa sheegay in halka laga helay xirmooyinkan cusub ay ka fog yihiin goobta lagu mursan yahay ee xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo haatan dacwada labada dal u dhaxeysa ay taalo Maxkamadda ICJ.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dhowaan saxiixi doono sharciga shidaalka oo haatan horyaala Aqalka Sare, lana filayo inuu maalmaha soo socda ansixiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan ku soo bandhigtay magaalada London sahanka laga sameeyay Xeebaha Soomaaliya oo lagu ogaaday inay shidaal ku jiraan, waxaana xirmooyinka la soo bandhigay ay yihiin kuwo uu shidaal ceegaago oo laga yaabo in shirkado badan ay aad ugu loolamaan.