Garoowe: Wararkii ugu dambeeyay ee Iska hor-imaad ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Puntland

Iska hor imaad u dhaxeeyey ciidamada Dowladda Puntland ayaa caawa ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe.

Maamulka Isbitaalka guud ee Garowe oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ilaa hada loo keenay Sadex nin oo dhaawac oo mid kamid ah uu yahey Ganacsade caan ka ah Garowe oo lagu magacaabo Dhagawayne iyo hal Askari oo dhimasho ah.

Labada Ciidan ee dagaalku dhexmarey ayaa kala ah Ciidamada ilaalada Xarunta Baarlamaanka iyo ciidamo kale oo aan la sheegin halka ay ka tirsan yihiin.

Xaalada ayaa hada ah mid dagan iyado magaaladu ay sideedi hore kuso laabatey.

Wixii kasoo kordha Kala soco Idil News