Gen. Muxyadiin: Masuuliyadda Iska hor-imaadka xarunta Baarlamaanka waxaa leh Guddoomiye Dhoobo-daareed

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo iska hor-imaad caawa ka dhacday xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee caasimadda Garoowe oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ka dhashay.

Taliyaha ayaa sheegay in malayshiyaad aan u diiwaan-gashayn dowladda uu Guddoomiyaha Baarlamanku kusoo daabulay xarunta Golaha, kadibna ay rasaas ku bilaabeen saraakiil halkaasi waan-waan u tegay.