Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo kasoo muuqday Muuqaal ay baahisay Kooxdu, una Hanjabay Mareykanka (VIDEO+Sawirro)

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaalka raggii weeraray 30 September Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle, waxaana muuqaalka ku jira Amiirka Al-Shabaab oo la dardaarmaya raggii weerarka geystay.

Muuqaalkan oo soconaya ku dhowaad 50 daqiiqo ayaa amiirka Al-Shabaab waxaa uu farriin hanjabaad ah u diray Mareykanka, waxaa uu sheegay in xarunta ballidoogle ay tahay halka laga soo abaabulo weerarada Muslimiinta, kana soo duulaan diyaaradaha Drones.

Abuu Cubeyda ayaa sheegay in hadafkooda ugu weyn uu yahay Saldhigga Ballidoogle ee Mareykanka.

“Hadafka ugu weyn ee aan beegsaneyno waa Mareykan, Murtadiin hadda ma dooneyno, waxa aan u socono oo aan hadda beegsaneyno oo intaan dadaal ah loo sameeyey waa Mareykan, waxaana leydinka rabaa inaad howshaas iyada ah sugtaan oo aad Allaah u talo saarataan” ayuu yiri Abuu Cubeyda.

Inkastoo aan muuqaalkan lagu arkeyn wejiga Amiirka Al-Shabaab, hadana waxaa ka muuqday isagoo marxabeynaya oo xabadka gelinaya raggii weerarka ku qaaday Saldhiga Balli-doogle.

Al-Shabaab ayaa u adeegsaday weerarkii Balli-doogle gawaari qaraxyo ah, inkastoo gawaarida qaar la arkayay iyadoo la duqeeyay, ka hor inta aysan is qarxin, sidoo kale dagaalamayaasha weerarka qaaday ayaa la sheegay in la dilay, iyagoo aan gaarin goobihii ugu dambeeyay ee Saldhiga, waxaana ammaanka Saldhigga yahay mid aad u adag oo laga ilaaliyo goobo fog fog, isla markaana diyaarado kuwa wax basaasa ay dusha sare ka gaaf wareegaan.