Maxaa kala socota olalaha Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ?

Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday olalaha Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiim Axmed Maxamed “Dhoobo-daareed”, waxaana kulamo aan loo kala kicin ay ka socdaan Hotelada Magaalada Garoowe.

Mooshinkan oo ay hor-boodayaan Wasiiro katirsan Xukuumadda Madaxweyne Deni iyo Xildhibaano, ayaa qorshihiisu yahay in todabaadka soo socda la hor-geeyo Golaha Wakiilada Puntland, si codka Xasaanada loogu qaado Guddoomiyaha.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Shabakadda Idil News, in illaa iyo hada ay mooshinkan saxiixeen mudanayaal gaaraya 26 Xildhibaan, kuwaas oo diidan hab-dhaqanka Guddoomiye “Dhooba-daareed”.

“26 Xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan ka dhanka ah Guddoomiye Dhooba-daareed, kuwaas oo diidan Hab-dhaqanka Guddoomiyaha, sidoo kalena ku eedeynaya ku takri-falka Awooda Golaha iyo marin habaabinta Ajandayaasha Golaha Wakiilada Puntland” ayuu yiri Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Puntland oo la hadlayay Shabakadda Idil News.

Dadaalo uu waday Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni lana doonayay in lagu baajiyo mooshinkan oo muddooyinkii ugu dambeeyay la hadal hayay ayaa gabi ahaanba fashilmay, kaddib markii Guddoomiyaha Baarlamaanku ka dhaga adeegay tallooyin uu u soo jeediyay Madaxweynaha oo ay ugu horeysay inuu ka tanaasulo qodobada Xildhibaanadu kuu eedeynayaan iyo inuu Golaha ka daayo nin jeclaysiga, sida uu inoo sheegay Mudane kamid ah Golaha Wakiilada.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.