Nadia Mohamed oo ku guuleysatay Kursi kamid ah Golaha Degaanka St. Louis Park City

Nadia Mohamed oo ah Gabar dhalinyarro ah oo Soomaaliyeed ayaa sameysay taariikh habeennimadii Tallaadada kaddib markii ay ku guuleysatay in ay ka mid noqotay golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City ee dalka Mareykanka.

Nadia oo ah gabar 23 sano jir ah ayaa noqon doonta qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah iyo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku biirtay Golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City.

”Sababta keentay in aan u tartamo kursiga ayaa ah aniga oo aamisan in aan aheyn is badal keeni kara ayeey tiri Nadia Mohamed”

Nadia ayaa heshay codadka 63% kiiba iyadoo ka guuleysatay musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo  Joseph Israel received 36%, waxeyna badali doontaa Thom Miller oo aan isagu ka qeybgalin doorashada.

Marka laga soo tago Nadia sidoo kale waxaa jiray shaqsiyaad Soomaali ah oo iyagana ku soo baxay kuraasta golaha deegaanka qeybo kale oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Mareykanka.