Puntland iyo Masar oo heshiis muhiim ah kala saxiixday.

Dowladda Puntland ayaa heshiis cusub la gashay dalka Masar, kaas oo la xariira dhinaca Waxbarashada.

Heshiiskan ayaa waxaa Puntland uu saxiixay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulkaasi, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo isaga iyo wafdi la socda ay booqasho ku joogaan dalkaasi.

Wasiirka oo Qaahira kula kulmay, Dr. Daariq Showqi oo ah wasiirka waxbarashada dalka Masar ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan horumarinta waxbarashada ee deegaanada Dowladda Punland.

Sidoo kale heshiiskan cusub ayaa dhigaya in illaa lix iskuul ay dowladda Masar ka furato Puntland, kuwaas oo ay dhigi doonaan macalimiin Masaari ah oo ka howlgali doono qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Puntland.

Cabdullaahi Maxamed Xasan wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa ugu dambeyn dowladda Masar iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo ah Hooyada federaalka.